Haweeney Soomaali ah ayaa lagu dilay maqaayad ku taalla degaanka Ampang Selangor ee dalka Malaysia oo ay shaqaale ka aheyd
Sida ay qortay warbaahinta free Malaysia today.com Nin u dhashay dalka Ciraaq ayaa goobta ka baxsaday kadib markii uu haweeney Soomaali ah ku dilay degaankaas
Jaya Farouk Eshak Taliyaha Booliska degmada Ampang ayaa sheegay in ninkan 25-jirka ah ay kasoo qabteen magaalada Ampang Putra dhowr saacadood markii uu dilka geysatay ka dib isagoo baxsad ah.
Booliska ayaa baaraya sababta kadanbeysa dilkan uu nin u dhasahay dalka Ciraaq u geystay gabadhan Soomaalida ah.
Gabadhan la dilay oo 28 jir ah ayaa waxay la nooleed qoyska tuhmanaha muddo sagaal sano ah, waxaana jira warar sheegaya in gabadhan Soomaalida oo magaceeda lagu sheegay Dahabo Cumar ay diiday xiriir guur oo u soo bandhigay ninkan Ciraaqiga ah taasina ay keentay inuu dilo.