Home Wararka Maanta NISA oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho

NISA oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho

0

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa tan iyo markii uu yimid hay’adda wuxuu isbeddelo waaweyn ku sameeyay hanaankii ay NISA u shaqeynaysay, taasi oo sanadihii dambe si weyn ugu dhex-milantay arrimaha siyaasadda.

Marka la iga imaado dib u qaabeynta NISA, sidoo kale waxa uu Mahad qaaday tallaabooyin qeyb ka ah qorshaha dowladda ay kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, wuxuuna gudaha Muqdisho ka qortay dhar cad aad u badan, sida ay mudug24  u xaqiijiyeen illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Mahad ayaa magaalada Muqdisho kusii dhex daayay dhalinyaro dharcad ah, si looga hortago falalka Shabaab ay ka fuliyaan gudaha caasimada dalka, islamarkaana ay hay’adda ugu suurta-gasho inay ka hortagto isku-dayada guracan ee kooxda.

NISA ayaa xilligaan kaalin muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, ayada oo kor u qaaday howl-galada dhulka iyo cirka ee ay hay’adda ku bartilmaameedsaneyso xubnaha kooxda, kuwaasi oo mararka qaar iska kaashadaan saaxiibada caalamka.

NISA ayaa sidoo kala haatan leh saraakiil dharcad ah oo jooga meelo ay kamid yihiin baraha kontaroolada gudaha iyo daafaha caasimadda si lamid ah garoonka diyaaradah Aadan Cadde.

NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba.

Si kastaba, Khubarada amniga ayaa qaba in muhiim tahay in hanaanka shaqo qorista hay’adda lagu saleeyo xirfad iyo in ay iska dhex arkaan qeybaha kala duwan ee deegaanada Soomaalida taasi oo sarre u qaadi karta wada-shaqeyn iyo kalsooni ay ka hesho shacabka.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleIlhaan Cumar oo Laga Qaaday Xil Muhiim ah oo ay ka heysay Xisbiga Jamhuuriga
Next articleNorwey oo Diiday isku soo bax lagu gubayi lahaa Kitaabka Quraanka Kariimka