Home Wararka Maanta NISA oo Cagta Marisay Maxkamadii Alshabaab ee Duleedka Muqdisho

NISA oo Cagta Marisay Maxkamadii Alshabaab ee Duleedka Muqdisho

0

Ciidanka NISA ayaa howlgal qorsheysan maanta ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidanka ayaa howlgalkaas ku burburiyey Maxkamad Beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas iyo goob ay lacagaha baadda ah uga qaadayeen shacabka.

Sidoo kale 5 Mooto FEKON ayaa howlgalka Jambaluul looga furtay kooxda Al-Shabaab, sida ay tebisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa aad u baacsanaya kooxda Al-Shabaab, waxaana socda howlgallo kala duwan oo socda gobollada Shabeelooyinka, Galgaduud iyo Mudug.

Dhinaca kale, ciidamada qaranka ayaa galabta xaqiijiyey gacan ku heyta degmada Ceelbuur, iyagoo aan la kulmin wax dagaal ah.

Kooxda Al-Shabaab oo abaabul dagaal maalmahaan ka waday Ceelbuur uma suurta gelin inay difaacato magaaladaan, waxaana galabta la galay magaalada oo cidlo ah.

Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgalkii galabta lagu xoreeyey degmada Ceelbuur, kaas oo weli socda.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gudaha u galeen magaalada, halkaas oo howlgallo amni xaqiijin ah ay ka wadaan.

“Ceelbuur waxay aheyd goobta ugu weyn ee Galmudug iyo Hirshabeelle ay Khawaarijtu ka joogtay,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda difaaca qaranka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkaan ku balan qaaday inay faahfaahin rasmi ah ka soo saari doonto markii lasoo gabagabeeyo howlgalka ka socda Ceelbuur.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleSidee ugu suura gashay ciidamada SSC in ay bilooyinka kadib saaka la wareegeen xerada Goojacadde?
Next articleBooliska Soomaaliya oo Mamnuucay Baanaanbax lagu Qabto Muqdisho XilinSheegoow Wali Xiranyahay