Home Wararka Maanta Ninkii Xaaskiisa Muqdisho ku Gubay oo la Shaaciyay Halka uu ku Suganyahay

Ninkii Xaaskiisa Muqdisho ku Gubay oo la Shaaciyay Halka uu ku Suganyahay

0

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa shaaciyay xog ku aadan halka uu joogo ninka baxsadka ah ee xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Yabooh oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha uusan haatan ku sugneyn Muqdisho, isaga oo xusay in uu joogo gobollada dhexe.

Sidoo kale wuxuu beeniyay in ninkaasi uu ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida horay loogu sheegay warar soo baxayay.

“Waxaan rabaa inaan ku xaqiijiyo ninkaas inuu hadda joogin magaaalada Muqdisho, uuna ka baxay dhowr maalmood kahor, waxaan arkaayay meelo ay ku qoran tahay garoonka ayuu ka baxay ninkaasi garoonka kama uusan bixin dhulkuu ku baxay, haddana gobollada dhexe meelo kamid ah ayuu joogaa” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Yabooh.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud uu Xamar ka baxay maaln kadib markii uu dhibka gaystay, isla markaana mar dambe la ogaaday.

“Qofka haddii baaritaan lagu haayo ogaashihiisa waa kasii duwan tahay Sayd Cali Muqdisho ma joogo, dhowr maalmood kahor ayuusan joogin, sida ay xogta nagu soo gaareyso isla markiiba maalin kadib magaalada waa uu ka baxay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in laamaha amniga ay sameeyeen dadaal xoogan, welina uu socdo baaritaanka lagu hayo eedeysanaha, si loo soo qabto.

“24-kii saac ee ugu dambeysay ayaan dadaal ku bixineynay, haddana weli juhdiga waa socdaa, marka dhacdadaas waxaa waayay waa mid aan aad uga xunahay” ayuu yiri.

Booliska Soomaaliyeed ayaa dhankiisa sheegay in la rumeysan in ninkan uu u baxsaday gobollada dalka, kadib markii uu dhibaatada ka gaystay magaalada Muqdisho.

“Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa dhaliyay carro xoogan, waxaana weli cadaalad dalbanaya ehellada marxuumadda oo sheegay in aan la aasi doonin inta laga soo qabanayo ninka gubay, waxaa sidoo kale arrintaan si kulul uga hadlay baarlamaanka Soomaaliyeed

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleSarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Maraykanka Tahriib ku Galay oo la Qabtay
Next articleGadiidkii Alshabaab ku Qaateen Magaaldo ku Taal koonfurta Gobalka Mudug oo Saraakiil iyo Askar loo Maxkamadaynaayo