Howl-gal Ay Saacadihii lasoo dhaafey sameeyeen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir Gaar ahaan Saldhigga Dayniile ayaa Lagu Soo Qabtey Eedeysane ku eedaysan inuu Dil toos ah u geystey Muwaadin Soomaaliyeed
Tr.29.04.2024 Abaaro. 5:14pm. Ayaa waxaa Dil ka dhacay Degmada Deyniile Gaar ahaan Daarusalaam Xaafada Reer Godleey.
Waxaan Dilkaas Lagu Eedeeyey Inuu sitoos ah u geystey MAHAD CALI MAXAMUUD INA FAADUMO CALI CABDULLE
waxaana Dilka loogeystey Marxuum AXMAD NUUR TOOXOW INA UBAX XASAN MAXMED
Eedeysanaha Dilka geystey Iyo Agabkiisaba waxaa Si toos ah loogu Wareejiyey Hoggaanka Baarista Dembiyada C I D Halkaas oo Lagu baaridoono Si loo Horgeeyo Maxkamada Ku Shaqada leh
Ad