Home Wararka Maanta Ninka ugu taajirsan dunida muxuu ka yiri hadalladii muranka dhaliyey ee Ilhaan...

Ninka ugu taajirsan dunida muxuu ka yiri hadalladii muranka dhaliyey ee Ilhaan Cumar?

0

Ilhaan Cumar oo 27-kii bishii dhamaatay hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri hadal muran wayn dhaliyay.

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan,” ayaa kamid ahayd khudbad jeedisay Ilahaan.

Hadalkeeda ka dib waxaa bilowda mawjado falcelin ah oo qaar badani kasoo baxayaan dad saameyn ku leh Maraykanka iyo siyaasaddiisa.

Elon Musk – ninka ugu taajirsan adduunka isla markaana Maraykan ah balse asal ahaan kasoo jeeda Koonfur Afrika ayaa ka mid ah isaga oo calaamadda layaabka uga felceliyay muqaalka khudbadda.

Balse muuqaalo hore oo ay Ilhaan khudbado kalo duwan jeedineysay, kuwaas oo dib loogu soo celiyay baraha bulshada ayuu ka dhiibtay fikir.

Qaybta falcelin ee mid kamid ah muuqaaladaas ayuu Elon Musk ku qoray: “Maraykanka ama dal kale. Mid dooro”.

Qoraal kale wuxuu ku leeyahay isaga oo ka fal celinaya hadalkeeda oo afka Ingiriiska lagu turjumay, “uma eka in ay daacad u tahay Maraykanka”.

Hadallada Ilhaan Cumar eeku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kiciyey mawjado weerarro dhanka afka ah oo iyada ka dhan ah. Brasaabkii hore ee Florida, Ronald Dion DeSantis ayaa kamid ah dad dalbaday ‘in laga ceyriyo Maraykanka’.

DeSantis wuxuu kasoo jeedaa xisbiga Jamhuuriga oo ay siyaasadda dalkaas ku legdamaan kan Dimuqraadiga oo ay Ilhaan ka tirsan tahay.

Hadallada hore oo ay Ilhaan ka sheegtay meelo fagaare ah, ayaa sidoo kale lasoo turjumay isla markaana qayb ka noqday hubka loo adeegsanayo iyada.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waxaa ka mid ah hadallada lagu haysto mid ay sheegayso in Maraykanku uu sameynayo “waxa aan angu dhahno oo kaliya” sida ay ku dhex tiri khudbada.

“Dawladda Maraykanku waxay ka qabanaysaa wixii annaga aan dhahno dawladda Maraykanka waxaas ka qabo” ayey tiri Ilhaan oo kusii dartay, “ kalsoonidaas waa inaan isku qabno haddii aan Soomaali nahay”.

“Soomaaliya waa gurigeenna, Soomaaliya wadnaheenna ayey ku nooshahay, maalin kasta ayaan ka fikirnaa Soomaaliya” waa jumlo kale oo baahday balse aan muuqaalkan ka mid ahayn.

Hadalladan ayey dadka iyada dhaliila u arkaan kuwo muujinaya in aysan Maraykanka daacad u ahayn taas badalkeedana ay Soomaaliya daacad u tahay.

Tom Emmer waa siyaasi kale oo ka tirsan baarlamaanka Maraykanka ahna Guddoomiyaha Aqlabiyadda Aqalka Wakiilada ee Maraykanka, wuxuu asna ka yiri Ilhaan: “Hadalka naxdinta leh ee Ilhaan, ee ay Soomaalinimada hormarinayso waxay dharbaaxo wejiga kaga dhacday ku tahay dadka reer Minnesota ee loo doortay in ay u adeegto, waxayna xadgudub toos ah ku tahay dhaartii xafiiska. Waa ina y is casishaa iyadoo ceebaysan”.

Ilhaan oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee Congress-ka loo doorto, ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Muuqaalkeeda oo lasoo dhigay barta X ayaa waxaa daawaday malaayiin qof, waxaana aad loo hadal hayaa qayb kamid ah hadalkeeda oo ah: “Soomaali ahaan, mar baan ka daba tegi doonnaa dhulalka naga maqan.”

Ilhaan ayaa jawaab ay arrintaas uga bixisay barteeda X waxay ku tiri “Keliya maaha mid hal dhinac ah balse gebi ahaanba waa mid ujeeddada ka baxsan,” ayay tiri iyada oo ka hadlaysa falcelinta laga bixiyay hadalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horyasay ee ay Ilhaan Cumar qabsato ciwaanada wararka iyo baraha bulshada ee Maraykanka iyada oo soo ahayd xildhibaan uu mar walba muran kala dhexeeyo xubnaha xisbiga Jamhuuriga.

Sannadkii 2020 Ilhaan Cumar iyo madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ayaa hadallo kulkulul isu mariyey hawada. Donald Trump wuxuu markaas sheegay in Ilhaan ay tahay qof musuq-maasuq badan isla markaana warbixinadeeda uu la socday muddo labo sano ah.

“Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo labo sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow” waa hadalladii Donald Trump ee waagaas isaga oo dhaliilayey warbixin ay soo saartay.

Sannadkii tagat mar ay booqatay Masaajidka Al-Raxma ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo dab la qabadsiiyey dabaqiisa ugu sareeya, iyadoo la xiray ninkii falkaasi ka dambeyay kaasi oo sidoo kale horey isugu dayeyey masaajid kale in uu gubo, ayey Ilhaan sheegtay “in sidii uu Donald Trump u yimidba nacaybka Islaamku kordhay”.

Ad
Previous articleXildhibaan ka tirsan baarlamaanka Itoobiya oo xabsiga loo taxaabay
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Dhulka Dabdamiska oo la kicinaayo Beesha Sacad oo Dhawaan Xiisad Culus ka Taagnayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here