Home Wararka Maanta Ninka Soomaaliga ah oo Tahriib ku Galay Dalka Jarmalka oo guryaha...

Ninka Soomaaliga ah oo Tahriib ku Galay Dalka Jarmalka oo guryaha ku xareeyay kumanaan qof oo Jarmal ah

0

Dadka deggan Tuulada Hardheim ee degmada Neckar-Odenwald-Kreis ayaa qaarkood la sheegay in ay muujiyeen cabasho ka dhanka ah nin Soomaali ah oo tahriib ku galay dalka Jarmalka.

Dadka tuulada oo lagu qiyaaso in ay agaarayaan ilaa 7,500 ayaa sheegay in ay ka baqayaan ninkan oo la shaaciyay in uu maskaxda ka xanuunsanayo, waxa la sheegay in ay dhowr mar ka gudbiyeen dacwo dadka ku nool tuulada balse aan wax laga qabanin.

Xeer ilaalinta gobolka ayaa si joogta ah u diidda eedeymaha la xiriira ninkan Soomaaliga ah, marka loo eego xaaladaha caafimaad ee uu ninkan ku suganyahay iyo ra’yiga caafimaadkiisa la xirira, ninka 25-jirka ah ayaa qaba xanuun maskaxiyan ah taasoo la micno ah in aan wax dambi ah loo qori Karin.

Dacwad oogaha guud ee magaalada Mosbach ayaa wargeyska Bild u sheegay in tan iyo bishii May dadka deegaanka ay soo gudbiyeen dacwado badan oo ka dhan ah ninka dhalinyarada ah ee la sheegay in uu ku dhashay magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jira xatooyo iyo cabsi gelin.

Haddab si aan arrinta ninkaasi dhallinyarada ah wax badan uga ogaanno waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay Axmed Kadiye oo kamida Soomaalida Jarmalka kunool kana mid ah xubnaha ugu firfircoon ee jaaliyadda waxa uuna ka warbxiyay arrintan ka taagan wiilkan Soomaaliga ah ee tahriibka ku galay dalkaasi.

Kadiye ayaa yiri, “ waa uu jiraa wiilkan dhallinyarada ah oo saacdihii lasoo dhaafay waxaa wax ka qorayay warbaahinta maxalliga ah, dadku waxa ay ka cabanayaan waxyeello iyo cabsi gelin ay sheegeen in ay kala kulmayaan, balse Stefan Grimm oo ah duqa tuulada ay dadkeedu dacwoodeen ee Harheim ayaa sheegay ninka laga cabanayo ee Soomaaliga inuusan tuulada degneyn isla markaana uusan ka diiwan gashaneyn, arrinka qaabka loo dhigayana uusan ahayn”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “arrintan waxa ay u muuqan kartaa buun buunin xagga warbaahinta ah iyadoo dhacdooyin badan oo horay loo buun buuniyay ay jireen”.

Tirada codsiyada dadka magangalyo doonka ah ee Jarmalka ayaa dhaaftay 200,000.

Weriyeyaasha warbaahin Bild ee dalka jarmalka ayaa la hadlay dadka tuulada, kuwaas oo si uun isugu dhacay ninka qaxootiga ah ee 25-jirka ah. “Ma jiro qof la kulma ninkan oo ka nabad galay.

“Qaxootigu wuu na aflagaadeeyaa wuuna noo hanjabayaa,” ayay tiri Iris Aschenbrenner oo 43 jir ah.

Beate Hahn oo 56 jir howlgaba ah ayaa tiri “wuxuu inta badan istaagaa gurigayaga bannaankiisa wuxuuna ku hanjabay inuu guriga dab qabadsiin doono, si uu u dilo dhammaan qoyskayaga.”

Haweeneyda ayaa u sheegtay wargayska in ay door bidayso in wiilka ay ayeeyada u tahay u kaxayso tuulada dariska ah si uu ugu ciyaaro, waayo ninku waxa kale oo uu caayaa carruurta ayey tiri.

Si kastaba ha ahaatee, kadib caro ay muujiyeen dadka deegaanka, ayaa booliisku waxay dhawaan weydiiyeen khabiir ku takhasusay baarista si loo ogaado in ninku uu dhab ahaantii khatar ku yahay bulshada.

Haddii la caddeeyo in 25-jirkan Soomaaliga ah uu khatar ku yahay shacabka, waxaa lagu xiri karaa xarumaha dhimirka ee dowladda muddo dheer.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleXasan Mustaf Dhaayow oo ku Qornaa is Qarxin oo isasoo Dhiibay
Next articleXafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lix Sarkaal u Gudbiyay Maxkamada Gobalka Banaadir