Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ninka Kasoo Goostay Alshabaab oo ku biiray Ciidamada Dowlada oo Toogasho ciidamo...

Ninka Kasoo Goostay Alshabaab oo ku biiray Ciidamada Dowlada oo Toogasho ciidamo ku dhinteen ka Fuliyay Degmada….

0

Ninkan oo la sheegay in billo ka hor uu ka yimid deegaanka Buur Eyle ee Gobolka Baay ayaa habeenkii Jimcaha toogasho ka gaystay degmada Buurhakaba ee gobolkaasi.

Toogashada ayaa ka dhacday Bartamaha Buurhakaba, iyadoona ay ku dhinteen laba ka mida Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, halka gabar kalena sida la sheegay ay ku dhaawacantay, taas oo xaaladeeda la sheegay inay garaab tahay.

Wararka ayaa sheegaya in dembiilaha uu ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay. Ciidamada amniga oo hawlgalo ka sameeyay magaalada ayaa ku guuldareystay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Labada askari ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Madnuur (Mad-muran) iyo Xasan Cabdi Buulle (Baroor) oo nin da’ ahaa.

Sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkan uu dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ka tirsanaa Ciidanka Madaniga Buurhakaba.

“Waa nin dhallinyaro ah oo ka yimid deegaanka Buur Eyle, maadaama loo arkay nin firfircoon waxaa lagu daray Ciidamada Madaniga ee degmada, saddex biloodna iyaga ayuu ka mid ahaa, qori AK47 iyo booshkiisna isagaa lacagtiisa kala baxay,” ayuu yiri sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.

Waxa kaloo uu yiri “Markii hore in ciidamada lagu soo daro waxaa ka shaqeeyay askar ay ehel yihiin oo magaalada deganaa, Soomaalida oo iska ah dad is qaraabeysta awgeed ninkan lagama shakin.”

Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray “Waxay ahayd maadaama uu ka yimid dhul ay Al-Shabaab ka arrimiso in la hubiyo ayay ahayd, laakiin askartan uu dili doono ayaa qaab qaraabeysi ah u soo dhaweeyay, iyagii ayuuna dilay, qoryihiina ka qaatay. Lama marsiin habraacii u yiilay hay’adaha amniga, qaraabeysi ayay ku soo dhoweysteen, naftuuna dhaafiyay.”

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleAlshabaab oo inta Badan Maamulka Maandheera la Wareegay
Next articleCiidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo tagay guri uu Nairobi ka degan yahay wiil uu dhalay Uhuru Kenyatta iyo Uhuru ka Carooday