Home Wararka Maanta Alshabaab oo inta Badan Maamulka Maandheera la Wareegay

Alshabaab oo inta Badan Maamulka Maandheera la Wareegay

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha in ka badan 60% is-maamulka Mandheera ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa sidaas shaaca ka qaaday barasaabka gobolka.

Barasaabka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa dowladda ka codsaday inay qorto oo ay hubeyso dadka deegaanka, si ay gacan uga gaystaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Khaliif ayaa sheegay in kooxda ay si tartiib ah ugu sii xoogeysaneyso gobolka, islamarkaana ay hadda maamulaan in ka badan kala bar dhulka gobolka ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya.

“Al-Shabaab hadda kadib ma ahan koox quus ah, sababtoo ah dhaq-dhaqaaqyadooda gobolka waa ay sii kordhayaan maalin kasta. Waxaan xaqiijinayaa in maleeshiyada ay maamusho dhul baaxad leh oo ka mid ah Waqooyi Bari Kenya,” ayuu yiri Khaliif.

Barasaabka ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay hadda maamusho 60 boqolkiiba dhulka Mandheera, wuxuuna sheegay in xalka kaliya ee looga saari karo ay tahay in shacabka la hubeeyo, si ay ula dagaalamaan.

“Waxaan u baahannahay in dadka deegaanka la qoro si aan meesha uga saarno, haddii kale kuma guuleysaneyno dagaalka aan kula jirno kooxdan argagixisada ah,” ayuu yiri barasaabka.

Waxa uu ku eedeeyay amni darrada ka sii dareysa ee gobolka in ay sabab u tahay isku xirnaanshaha liita ee hay’adaha kala duwan ee amniga ee gobolka.

“Waxaa fiday fal-dambiyeedka Al-Shabaab. Ma awoodo in aan ka dhabeeyo ballan-qaadyadaydii doorashada ee aan u sameeyey dadka deggan degmadayda, amni-darrada darteed. Dawladeydu ma awooddo in ay adeegyo ku bixiso meel ka baxsan xarunta, waxaana sabab u ah waddooyinka aan la mari karin, kuwaas oo xaaladdooda liidata ay si weyn uga qayb qaadatay amni-darrada,” ayuu yiri Khaliif.

Ad
Previous articleGabar Soomaali ah oo qoyskeeda ay ku ogaadeen arrin aysan filaneynin
Next articleNinka Kasoo Goostay Alshabaab oo ku biiray Ciidamada Dowlada oo Toogasho ciidamo ku dhinteen ka Fuliyay Degmada….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here