Home Wararka Maanta Nin warqad uu ugu hanjabayo RW Netanyahu dhigay qabriga walaalkii oo lasoo...

Nin warqad uu ugu hanjabayo RW Netanyahu dhigay qabriga walaalkii oo lasoo qabtay

0

Maamulka Israel ayaa xabsiga dhigay nin looga shakisan yahay inuu u hanjabey Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Ninkan oo 26-jir ah ayaa la sheegay in Jimcihii uu warqad dhigay qabriga walaalka RW Yoni Netanyahu.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen, booliska iyo waaxda amniga gudaha ee Shin Bet ayaa shaaca ka qaaday inay xireen qof deggan magaalada Kfar Saba.

Sida ay saraakiishu sheegeen, baaristan waxa wada jir ah ula wadey qaybta booliiska ugu qaybsan dembiyada internet-ka, kuwaasoo markii dambe tuhmanaha su’aalo waydiiyey.

Isaga oo hadlaya, kaddib markii warqad gacanta lagu qoray laga helay qabuuraha millateriga Quddus ee Mount Herzl, sarkaal sare oo Shin Bet ka tirsan ayaa sheegay in adeegga ammaanku “uusan doonaynin inuu oggolaado inuu iska indha tiro hanjabaad ula kac ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo la dhigay qabriga Yoni oo geesi u ah Israa’iil.

Waxa kale oo uu wacad ku maray inuu “kula xaali doono arrimahan dhammaan agabka” ciidanka Shin Bet oo dhan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa Axaddii sheegtay in tuhmanuhu uu qirtay inuu warqadda hanjabaadda ah dul dhigay qabriga Yoni Netanyahu. Lama faahfaahin erayada uu ninku ugu hanjabey RW Netanyahu.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Howlgal Qorshaysan ku Dilay Horjooge Ka Tirsan Alshabaab Hubna Kasoo Furtay
Next article30-ka dal ee dunida aan laga qaban doorasho caafimaad qabta (Somalia maku jirtaa?)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here