Home Wararka Maanta Nin Soomaali ah oo mid kale ku dilay xerada qaxootiga ee Ifo

Nin Soomaali ah oo mid kale ku dilay xerada qaxootiga ee Ifo

0

Waxaa shalay xerada qaxootiga ee Ifo lagu aasay Cali Aadan Sheekh oo dhintay kadib markii darmuus uu ku dhufta mid kale oo ay murmeen. Ifo waa mid ka mid ah xeryaha qaxootiga Dadaab ee dalka Kenya.

Cali oo ka shaqaynayey makhaayad ayaa sida ay wararku nagusoo gaarayaan waxay murmeen mid ka mid ah macaamiishii makhaayadda kaas oo markii dambe darmuus uu shaah ku jiro kaga dhufta qadaadka ama afweynta.

Isbitalka ayaa loo qaaday Cali, wuxuuse geeriyooday maalin kadib. gacan ku dhiiglaha ayey weli boolisku baadi goobayaan.

Ad
Previous articleSaraakiil Sar Sare oo Gaaray Deegaanka Shabeeloow oo Dhawaan Alshabaab lga saaray(Sawiro)
Next articleMuuqaal-duubihii Al Jazeera oo lagu dilay Gaza Xili Dhawaan Xasaaskisa Iyo Caruurtiisa Duqayn Lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here