Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu dilay dagaalame ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolkaas ayaa waxaa lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, kadib toogasho ay ku dileen ciidamada waday howlgalka.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ninka la toogtay uu qarax miino ku aasayey xilligaas waddo ay shacabka isticmaalaan oo ku taalla halkaasi.
Sidoo kale waxay saraakiishu tilmaameen in uusan jirin khasaare kale oo ka dhashay howlgalka, marka laga soo tego toogashada ninka qaraxa ku diyaarinayey deegaanka Halgan.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas oo ay dowladdu sheegtay inay ku fashilsay weerar qarax miino ah.
Halgan oo ay muddo ku sugnaayeen ayaa Al-Shabaab ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab laga saaray, kadib howlgallo iyo dagaallo ka dhacay Hiiraan.
Inta badan xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro dhabagal ah oo ay ka mid yihiin qaraxyo miino ku qaada ciidamad dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan howlgallada ka wada gobollada dalka.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday