Home Wararka Maanta Ciidamada Amniga oo Gacanta Ku Dhigay Rag weerar ku Qaadi Rabay Hotel...

Ciidamada Amniga oo Gacanta Ku Dhigay Rag weerar ku Qaadi Rabay Hotel ku yaal Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal qorsheysan kusoo qabtay laba nin oo hubeysan, kuwaas oo weerar ka geystay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, xilli ay la socdeen Mooto Bajaaj mareysay waddada 21-ka October.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka warbixiyey howlgalkaas iyo sida uu u dhacay, waxa uuna shaaca ka qaaday in ciidamada Booliska ay toogasho ku dhaawaceen raggaasi, xilli ay soo geysteen weerar loo adeegsaday bam-gacmeed.

Doodishe ayaa tilmaamay in raggan oo dhaawacyo ah ay ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka Soomaaliya, haatana lagu haayo baaritaano dheeraad ah.

Afhayeenka ma shaacin bartilmaameedka weerarka ay geysteen raggaasi, balse wuxuu tilmaamay in bambada lagu tuuray dad shacab ah oo marayey waddada, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Boliiska Soomaaliyed ayaa manta oo taariikhdu tahay 10/11/2022 abaara 10:30 gacanta ku dhigay eedeysanayaal watay Mooto Bajaaj,ku waas oo la rumaysanyahay in ay ku tuureen Bombo gacmeed dadweynihii marayay wadada 21 OCT aaga Hotel Nasahablood,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragga lasoo qabtay ee ay dhaawacyada soo gaareen hadda lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qosheysan iyo qaraxyo, waxaana ka mid ah weerarkii ka dhacay Zoobe.

Ad
Previous articleHub iyo maydad Farabadan oo Aslshabaab looga Dilay Wabxo oo lasoo Bandhigay(Sawiro)
Next articleNin miino aasayey oo lagu dilay howlgal qorsheysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here