Home Wararka Maanta Nin maxbuus ahaa oo ka baxsaday Xabsiga dhaxe ee Xamar

Nin maxbuus ahaa oo ka baxsaday Xabsiga dhaxe ee Xamar

0

Shalay gelinkii dambe, ayaa mid ka mid ah maxaabiista ku xirnaa xabsiga dhexe uu ka baxsaday gacanta ciidanka Asluubta.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa ii xaqiijiyay in maxbuuska oo ku xirnaa xabsiga dhexe kuna xukunaa 15 sano loo soo qaaday isbitaalka Martiini, si loogu sameeyo adeeg caafimaad.

Wararka ayaa sheegaya in ay soo wadeen laba qof oo midi yahay kooxda caafimaadka ayna geeyeen isbitaalka Martiini.

Maxbuuska ayaa la sheegay in uu ka dalbaday in uu galo musqul sidaasna ay ku waayeen kooxdii waday.

Ciidanka Asluubta ayaa xiray labadii qof ee waday maxbuuska, waxaana hadda socda baaris.

Maxbuuska baxsaday ayaa ka mid ahaa Alshabaab, waxaana maxkamadda ay ku heshay in uu xubin la ahaa Al-shabaab sidaas ayaana loogu riday xukun dhan 15 sano oo xabsi ah.

Ad
Previous articleDhacdo ‘layaab leh’ oo sababtay in qabriga laga soo saaro nin isbuuc aasnaa
Next articleGaari uu lahaa Xildhibaan ka Tirsan Galmudug oo Qarax lala eegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here