Home Wararka Maanta Nin ku labistay dharka Dumarka si uu ciyaar ugu guuleesto iyo fashilkii...

Nin ku labistay dharka Dumarka si uu ciyaar ugu guuleesto iyo fashilkii ku dhacay (Sawirro)

0

Nin u dhashay dalka Kenya ayaa kusoo labistay dharka dumarka xirtaan gaar ahaan dharka gabdhaha Islaamka ku labistaan ee xijaab iyo indha shareer , si uu uga qeyb galo tartanka ciyaarta shaxda nooca loo yaqaan “chess-ka” oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Stanley Omondi oo 25-sanno jir ah ayaa isku diiwaan geliyay in uu yahay gabar, waxa uuna qortay magac dumar oo ah Millicent Awour, ninkan ayaa soo xirtay dharka dumarka xijaab iyo indha shareer si tartanka ugu guuleesto loona fahmin.

Qaban qaabiyaasha tartanka ciyaarta shaxda ee “chess-ka” ayaa ka shakiyay guulo wax ku ool ah uu ninkan tartanka ka gaaray, waxaa sidoo kale shakiga laga muujiyay ninkan sii xoojiyay kabaha uu xirnaa iyo inta ciyaarta socotay uusan marnaba hadleyn.

“Markii hore wax shaki ah kama aanan qabin, sababtoo ah xirashada xijaabka waa wax iska caadi ah. Laakiin intii aan wadnay, waxaan ogaanay inuu ka badiyay ciyaartoy aad u xoogan, waxaan kaloo ka shakinay kabaha uu xirnaa oo ahaa kuwa ragga ah oo ka weyn kuwa dumarka, waxaan sidoo kale ogaanay inuusan hadlin, xitaa markii uu gurayanayey dhagaxaantiisa, ciyaarta marka ciyaareyso waa in ada la hadashaa sida caadada ah qofka aad la ciyaareyso mana uusan sameyn sidaas” ayuu yiri Madaxweynaha ciyaarta Chess-ka ee Kenya Bernard Wanjala .

Ninka iska soo dhigay dumarka ee ku fashilmay qorshihiisa ayaa raali-gelin ka bixiyay ficilka uu sameeyay, waxa uuna sheegay ninkan in baahi dhaqaale arrintan ku sababtay uuna doonayay in uu helo lacag.

Stanley Omondi ayaa caan ku ahaa ciyaarista shaxda, hasa ahaatee ninkan ayaa aaminay in uusan guul ka keeneyn tartanka raga loo qabto sidaasna qeybta dumarka u galay, waxaana ninkan la filayaa in lagu rido ganaax adag.

Tartankan Kenya Open oo la qabtay todobaadkii hore ayaa ah tartan sanadle ah oo lagu qabto magaalada Nairobi, waxaana tartankan ka qeyb galay haween aad u badan, ku guuleestaha tartanka ayaana helaya lacag dhan $3,000 oo doolar.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleHowlgal ay ka qeyb qaadanayaan Diyaarado Dagaal oo ka socda gobolka Hiiraan iyo Cali Jayte oo ka Hadlay(Sawirro)
Next articleCiidamadda Somaliland Ee Ku Sugan Aagga Gooja-Cade oo Weerar Culus lagu Qaaday Xili ay Dagaal isku Diyaarinaayeen