Home Wararka Maanta Nin iska dhigay ‘askari’ kadibna geystay afduub iyo kufsi oo lasoo qabtay

Nin iska dhigay ‘askari’ kadibna geystay afduub iyo kufsi oo lasoo qabtay

0

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Saleebaan Maxamuud Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kiis xasaasi ah oo loo haysto nin ku eedeysan inuu iska dhigay inuu ka tirsan yahay hay’adaha amniga, kadibna geystay xad-gudub, sida kufsi iyo afduub carruur, kaas oo ay dhowaan gacanta kusoo dhigeen ciidanka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha haatan loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, si looga qaado tallaabo adag.

Xeer -ilaalintu ma shaacin magaca shaqsigan, balse waxa ay sheegtay inuu iska dhigay askari, kadibna uu soo xirtay dharka ciidanka, sidoo kalena uu qaatay hub sharci darro ah.

Sidoo kale Xeer-ilaalinta ayaa ninkan ku eedeysay inuu sharaf dilayay magaca hay’adaha amniga, isla-markaana uu khal-khalgelin ku hayay amniga guud ee magaalada Muqdisho.

“Xafiiska Xeer-ilaaliya Guud ee Qaranka, gaar ahaan waaxada denbiyada carruurta iyo haweenka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyey eeed waafaqsan qodobka. 71-aad ee XHCS, loona haysto eedeysane iska dhigay inuu ka tirsanyahay hay’adaha amaanka isaga oo soo xirtay darayska ciidanka, qaatayne hub sharci darro ah, si uu uga gaaro danihiisa gurracan, una sharaf dilo ciidanka amaanka,” ayuu lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ka dalbaday Maxkamadda Gobolka Banaadir inay soo mudeyso dhageysiga dacwadda loo haysto eedeysanaha.

“Eedeysanahaan oo ku kacay falal lid ku ah karaamada iyo sharafka carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed, sida kufsi, afduub iyo khal-khalgelin amni ayaa wuxuu xafiisku waxa uu maxkamadda ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga maxkamadayntiisa,” ayaa mar kale lagu warqadda kasoo baxday Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn Xeer-ilaaliyaha Guud Qaranka ayaa digniin culus kasoo saaray falalka gurraxan ee noocaan oo kale ah, isaga oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad ku howlan falal abaabulan oo ka dhan ah carruurta iyo haweenka, laguna sharaf dilayo dowladda dhexe.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMashruuca dhismaha Wado isku xireysa Soomaaliya iyo Jabuuti oo la saxiixay (Sawirro)
Next articleMaxaa Looga Hadlay Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirada?