Home Wararka Somaliya Puntland Nin Ajnabi ahaa oo ka Tirsanaa Daacish oo lagu Toogtay Bartamaha Boosaaso

Nin Ajnabi ahaa oo ka Tirsanaa Daacish oo lagu Toogtay Bartamaha Boosaaso

0

Ciidamada amniga Dowladda Puntland ayaa ku toogtay magaalada Boosaaso nin katirsan argagixisada Daacish, kaas oo miino ku aasayay wadada weyn gaar ahaan aaga Nakhiil, ayna xogtiisa soo gudbiyeen shacabka ka shakiyey oo ku sugnaa aaga.

Ninka oo ahaa ahaa Ajnebi ayaa markii uu arkaa ciidamada Amniga oo si degdeg ah goobta u soo gaaray qarxiyey miinadii uu aasayay, isagoo isku dayay in uu goobta ka baxsado, balse ciidamada ayaa toogtay.

Shacabka Puntland ee nabadda iyo horumarka jecel ayaa garab istaag u muujiyay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, iyagoo gacan ka geysanaya howlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda buuraleyda Cal-miskaad iyo adkeynta amniga guud ee deegaanka.

Ad
Previous articleDad kabadan 500 oo Qof oo Soo galooti ahaa Durbaba lagu Xiray Maraykanka
Next articleDeni oo soo arkay Dhaawacyada Ciidamada Puntland ee Daacish laysay