Home Wararka Maanta Trump Oo Diiday 34 Dacwad Oo Lagu Soo Oogay Lana Sii Daayay

Trump Oo Diiday 34 Dacwad Oo Lagu Soo Oogay Lana Sii Daayay

0

Madaxweynahii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka tagay maxkamada dambiyada Manhattan halkaas oo uu iska diiday 34 dacwad oo dambi ah oo lagu soo oogay.Ma uusan jeedin wax hadal ah markii uu ka soo baxay maxkamadda.waxana uu raacay kolonyo gaadiid ah oo banaanka u taagneyd. Trump ayaa maxkamadda dambiyada Manhattan ka hor sheegay in uusan wax danbi ah gelin 34 dambi oo lagu soo oogay.Baaritaanka ayaa ka dhashay lacag la siiyay jilaa filimada anshax darada ah, Stormy Daniels intii lagu jiray ololihii madaxtinimada ee 2016.

Trump ayaa si rasmi ah u noqday madaxwayne hore ee soo xukumay dalka Maraykanka ee ugu horeeyay ee wajahaya eedaymo dambiyeed. Faahfaahinta ku saabsan in ka badan 30 dacwadood oo Trump lagu soo oogay ayaa waxaa ka mid ah shirqool.

Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg ayaa baarayay lacagihii uu Trump u soo celiyay qareenkiisii ​​markaas Michael Cohen, kaas oo sanadkii 2016-kii siiyay $130,000 atariishada Stephanie Clifford, oo xirfad ahaan loo yaqaanay Stormy Daniels, si uu uga ilaaliyo inay shaaca ka qaado fal galmo ah oo lagu eedeeyay sanado ka hor musharax Trump.

Trump ayaa diiday kulanka galmada, kaasoo Daniels ay sheegtay inuu dhacay sanado kahor ololaha. Trump, oo u tartamaya magacaabista madaxweynaha Jamhuuriga ee 2024 isla markaana hogaaminaya inta badan codbixinta, ayaa durba weerar afka ah ku qaaday garsoore Juan Merchan ee New York Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg, isaga oo ku tilmaamay kiiska mid siyaasadaysan, wuxuuna ka digay in taageerayaashiisa ay u adeegsan karaan rabshado aargoosi ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wali ka aamusan dhacdooyinka maanta ka dhacaya New York. Donald Trump ayaa goor dhow dib ugu laaban doono magaalada Florida waxaana la filayaa inuu halkaas kula hadlo warfidiyeenad.

Ad
Previous articleShiikh Cali Wajiis oo Mudo Dheer kadib Shaaciyay Cida Dishay AUN Xildhibaanad Saado Cali Warsame
Next articleRaila Odinga oo Hanjabaad Culus u Diray Madaxweynaha Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here