Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay diyaarad ka baxday magaalada Muqdisho ay ku guul dareysatay iney ka dagto garoonka Gen. Maxamed Abshir Hamaan.
Sida wararku sheegayaan, diyaaradan oo sida wafdi muhiim ah ayaa u dagi weysay garoonka oo Leyr (Nal) la’aan ahaa, iyadoo duuliyihii diyaarada ay ku adkaatay inuu diyaarada dajiyo maadaama Iftiinka garoonka uu aad u yaraa.
Arrintaasi ayaa keentay in diyaarada dib loogu soo celiyo garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo wafdigan ay saaka dib ugu duuli doonaan magaalada Garoowe.
Xogaha la helayo waxey sheegayaan in Diyaaradda ay siday wafdi ka qaybgeli lahaa aaska qaran ee maanta oo Isniin ah loo samaynayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maalmo ka hor ku geeriyooday Garoowe.
Maamulka madaxweyne Deni ayaan wali ku guuleysan in garoonka magaalada Garoowe oo shaqaynayay tan iyo 2018 inuu shaqeeyo xilliga habeenka.