Home Wararka Maanta Netanyahu oo Qaza gaaray xilli lagu jiro maalinkii saddexaad ee xabbad joojinta

Netanyahu oo Qaza gaaray xilli lagu jiro maalinkii saddexaad ee xabbad joojinta

0

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa socdaal ku maraya marinka Qaza xilli lagu jiro maalinkii saddexaad ee, halkaasoo uu kula hadlay askar, wuxuuna booqday mid ka mid ah godad dhulka hoostiisa mara.

Netanyahu ayaa yiri: “Waxaan halkaan joognaa Qaza annaga iyo dagaalyahannadayada geesiyaasha ah, waxaan sameyneynaa dadaal kasta oo aan ku soo celineyno dadka nalaga afduubtay, ugu dambeyntiina waan soo celin doonnaa dhammaan.

“Saddex hadaf ayaan ka leenahay dagaalkan: baabi’inta Xamaas, soo celinta dhammaan dadka nalaga afduubay iyo in la hubiyo in Qaza aysan markale khatar ku noqonin Dawladda Israa’iil.”

Tani waxay kusoo aadaysaa iyadoo maxaabiis isdhaafisigii saddexaad uu hadda dhacay kaas oo ay labada dhinacba xaqiijiyeen inay maxaabista iyo la haystayaashu gaareen gacanta Guddiga caalamiga ah ee bisha cas.

Ad
Previous articleFartaag oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee BFS oo ka warbixiyey xaaladda cakiran ee ka taagan deegaanada Jubbaland
Next articleCabdiraxman Cabdishakur oo Shaaciyay Faidada Soomaaliya Ugu Jirta Ururka Bariga Bulshada Africa ee Dhawaan Ku biirtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here