Home Wararka Maanta Natiijada kursigii uu u tartamayay Nasri Warsame oo la shaaciyay

Natiijada kursigii uu u tartamayay Nasri Warsame oo la shaaciyay

0

Weli waxaa socota tirinta cododka doorashada xubnaha goloyaasha deegaanka ee guud ahaan Maraykanka.

Gobolka Soomaalidu ku badna tahay ee Minnesota, waxaa kuraastaas u tartamayey sideed murashax oo Soomaali ah.

Natiijada horu dhaca ah ayaa muujinaysa, in Nasri Warsame oo u tartamayey kursiga golaha degaanka ee xaafadda 10-aad ee Minnesota looga adkaaday kursigaas.

Sida laga soo xigtay Fox9 oo warbaahinta Maraykanka ka mid ah,waxaa kursigaas ku guulaysatay gabar la yiraahdo Aisha Chughtai oo asal ahaan ka soo jeedda dalka Hindiya.

Nasri Warsame ayaa olale xoogan ugu jiray mudooyinki dambe kursigaas.

Ad
Previous articleDowlada Federalka oo shaacisay tirada guud ee dhimashada iyo khasaaraha ay geysteen roobabkii da’ay
Next articleSargaal Milatari oo ku geeriyooday bam gacmeed Hadiyad ahaan loogu geeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here