Home Wararka Maanta Najma Nashaad oo Ka Baxday Fanka kaddib geerida labo wiil ay asxaab...

Najma Nashaad oo Ka Baxday Fanka kaddib geerida labo wiil ay asxaab ahaayeen

0
Waxaa baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay qabsaday qoraal ay soo dhigtay fannaanada caan ah ee Najma Cabdinaasir Ciise (Najma Nashaad), oo kamid ah fannaaniinta dhallinyarada ah ee kunool Hargeysa aadna loo jecel yahay heesaheeda.

Qoraalka ay soo dhigtay Namjo Nashaad ayey ku sheegtay in gabi ahaan isaga baxday fanka, kaddib geeri naxtin leh oo ku timid labo wiil oo kamid ahaa asxaabteeda, kuwaa oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Burco iyo Hargeysa.

Fannaanada ayaa warbaahinta qaar u xaqiijisay in gabi ahaan ka baxday fanka, kaddib markii ay ka naxday geerida ku timid labada wiil ee asxaabta ahaayeen, kuwaa oo gacan ku siin jiray soo saarista iyo duubista heesaha ay qaado.

Wiilasha geeriyooday oo ay ka naxday Najmo Nashaad ayaa kala ahaa Mustafe Saleebaan oo kamid ahaa milkiilayaasha barta youtube-ka heesaha la dhigo ee Waqal studio iyo liibaan Daahir, kuwaa oo ay asxaab aad u dhaw ahaayeen fannaanada Najmo Nashaad.

Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo Gaaray Furimaha Koonfurta Mudug Xili Alshabaab Howdka Galeen
Next articleSidee gaariga weyn ee qaraxa siday uu ku tagay bartamaha Beledweyne yaase kasoo Gudbiyay Barta Hubinta ee buundada liiqliiqato(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here