Home Wararka Maanta Muxuu yahay ninkaan maanta toorreeyda la dhacay carruurta?

Muxuu yahay ninkaan maanta toorreeyda la dhacay carruurta?

0

Ilaa iyo lix ruux oo afar kamid ah ay cauur yihiin ayaa lagu dhaawacay weerar middi lagu gesystay oo ka dhacay magaalo ku dhaw xadka ay wadaagaan Faransiiska iyo Talyaaniga oo lagu magacaabo Annecy.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in saddex kamid ah caruurta dhaawacantay ay ku jiraan xaalad halis ah.

Ninka weerarka gaystay ayaa la aaminsanyahay in uu markii hore tooreey la dhacay caruurta, kadibna uu weeraray nin oday ah, inta uusan ka cararin goobta. Balse booliska ayaa markii dambe lugta ka toogtay oo xabsiga u taxaabay.

Mid kamid ah caruurta dhaawcantay ayaa u dhashay waddanka Ingiriiska, sida uu sheegay xogahayaha arimaha dibadda Ingiriiska, James Cleverly.

Waa kuma ninkaan?

Boolsika Faransiiska waxay u sheegeen warbaahinta in ninkani yahay 31 jir ka soo jeeda Suuriya oo qaxooti ku ahaa Sweden, lana qaabilay bishii April ee aynu soo dhaafnay. Sida ay tabiyeen warbaahintu waa aabo leh xaas iyo ilmo yar oo saddex sano jir ah. Wuxuu u sheegay booliska inuu yahay Suuiriyaan haysta diinta kirishtaanka.

Sababta uu u qaaday weerarkaan ayaa wali baaritaan lagu wadaa oo aysan dawladdu xaqiijin. Balse dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa faahfaahin ka bixin doona maanta, iyada oo la rajeynayo in ay shirjari’id warbaahinta u qabtaan goordhaw.

Warbaahinta da ayaa heshay muuqaal muujinaya ninkan oo dhex ordaya goob beer ah, oo ay ceysanayaan rag wata boorsooyinka dhabarka. Wuxuu xiran yahay okiyaalaha qoraxda, wuxuu sidoo kale leeyahay gar wayn.

Ad
Previous articleDhimasho iyo dhaawac ka dhashay masaajid qarax lagu weeraray xilli lagu jiray salaad janaaso
Next articleWAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya Oo Goordhow Xabsiga Dhigtay Mid ka Mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here