Home Wararka Maanta Muxuu Xasan Sheekh ka damacsan yahay ciidanka Harmacad oo uu Horay u...

Muxuu Xasan Sheekh ka damacsan yahay ciidanka Harmacad oo uu Horay u Dhaliili Jiray?

0

Shantii sano ee la soo dhaafay magaca ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad ee Soomaaliya wuxuu aad ugu jiray wararka Soomaliya, marar bandanna wuxuu ka muuqday ciwaannada warbaahinta Soomaalida.

Waxay ka fuliyeen gudaha waddanka tobanaan hawlgal oo ka dhan kooxda Alshabaab, balse eedeynta ku saabsan ku luglahaanshooda arrimaha siyaasadda ayaa dhaliyay hadalhaynta ugu badan.

Haddaba muxuu hadda kayeelayaa madaxweyne Xasan Sheekh ciidamada uu ashtakoonayay?

Waraysi ay BBC du la yeelatay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige, ayu uku sheegay in ciidmadaas ay u shaqayn doonaan sida rasmiga ah ee booliska Soomaaliye u hawlgalo.

Dige ayaa yiri: “Awaamiirta iyo qorshayaasha iyo hawlaglinta taliyayaasha booska Soomaaliyeed uu qabo ayay ku shaqeynaayaan boliiska kale ee Soomaaliyeed ayayna ka mid yihiin.”

Dhanka kale, dawladda Turkiga ayaa Soomaaliya u tababarta ciidmada kumaandooska Gorgor ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar uu todobaadkaan ku tagay wadanka Turkiga wuxuu ku booqday xerada Isparta ee lagu tababaro ciidmada Soomaalida.

Sidoo kale ciidamdaan waxay ka mid ahaayeen kuwa ay ka cabanayeen siyaasiyiinta Soomaalida waqtigii dawladda madaxweyne Farmaajo. Agaasime Dige oo aan wax ka weydiinay shaqada ciidamadaan ayaa sheegay in ay tagi doonaan furimaha.

“Ciidmada horay waa u dhacday in siyaasad loo isticmaalo,” ayuu yiri Dige.

“Laakiin madaxweynaha waxaa ka go’an ciidamada in ay siyaasadda ka madaxbanaanaadaan oo ay ku shaqeeyaan dastuurka qaranka.”

Ciidanka Haramacad oo ka tirsan booliska Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa la asaasay markii uu xukunka qabtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waana ciidan si gaar ah loogu tababaray ka hortagga rabshadaha iyo dagaallada ka dhaca magaalooyinka.

Ciidankan oo tiro ahaan lagu qiyaasay kun askari ayaa waxaa tababaray dowladda Turkiga oo gudaha dalkeeda u qaada, halka qaarna ay tababarka ku qaataan xerada TurkiSom ee Muqdisho.

Inta badan hubka ay wataan ayaa ah mid fudud, waxaana ay u carbisan yihiin hawlgallada qorsheysan.

Tuutaha ay wataan askarta Haramacad ayaa ah mid ka duwan ciidamada kale ee booliska, waxaana intooda badan ay horay uga tirsanaayeen ciidanka nabadsugidda Soomaaliya ee NISA, sida aan ka soo xiganay saraakiil horay u maamuli jirtay.

 

 

 

 

Ad
Previous articleJir 52 Muslim ah oo noqon Doona Raysulwasaaraha Britan Wakuma?
Next articleNin ajnabi ah Oo Dilay Gabar Soomaali ah oo uu Qabay Kadibna Baxsady

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here