Home Wararka Caalamka Jir 52 Muslim ah oo noqon Doona Raysulwasaaraha Britan Wakuma?

Jir 52 Muslim ah oo noqon Doona Raysulwasaaraha Britan Wakuma?

0

Sajid Javid waa nin muslim ah oo ku dhashay dalka Britain waaliddiintiisuna ay ka soo jeedaan dalka Pakistan.

Sajid Javid wuxuu soo noqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Xoghayaha Wasaaradda Caaafimaadka ee UK kaddib marki ay xilka iska casishay xogahayihi hore Amber Rudd’s.
2019-kii wuxuu iisu soo taagay hoggaamiyaha xisbiga talada dalkaasi haya balse waxaa cod bixinta kaga guuleystay Boris Johnson.
Mr Javid, oo ka soo jeeda qoys Pakistani darawal ah wuxuu UK yimid 1960, wuxuuna ka soo shaqeeyey arrimaha bulshada, dowladda hoose iyo xoghayaha arimaha gudaha.
Ninkani 52 jirka ah, marki ugu horreeyey baarlamaanka dalkaasi wuxuu soo galay 2010-kii, wuxuuna si weyn uu u taageersanaa iney UK ka sii mid ahaato midowga yurub halka ay Midowga Yurub ka bixi lahayd.
Dhinaca kale Borris Johnson wuxuu shaaca ka qaaday inuu xilka iska casilayo, taasoo ka dhigan iney UK ka dhaceyso doorasho lagu dooranayo hoggaamiyaha xisbiga Muxaafidka iyo Raysal wasaaraha.
Waxay ku qasbanaan doonaan inay xaqiijiyaan taageerada xildhibaanada, iyadoo labada musharax ee ugu dambeeysa ay u u codeyn doonaan xubnaha xisbiga Muxaafid-ka.
Haddaba waa kuwamaa musharraxa fursadda ugu wanaagsan haysta? Xusuusnoow Xildhibaannadan iyo Wasiirradan intooda badan ayaan weli sheegin iney rabaan jagada hogaamiyaha xisbiga Conservative-ka iyo iyo Raysal Wasaaraha balse waa kuwa laga warsugayo.Kuwa kalana waxaa laga yaabaa iney soo baxaan.
Ad
Previous articleAl-Shabaab oo si layaab leh u beenisay War ka soo yeeray Madaxweyne Xassan Shiikh
Next articleMuxuu Xasan Sheekh ka damacsan yahay ciidanka Harmacad oo uu Horay u Dhaliili Jiray?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here