Home Wararka Maanta Muxuu ka dhigan yahay hadalka muranka dhaliyay ee ka soo yeeray Puntland?

Muxuu ka dhigan yahay hadalka muranka dhaliyay ee ka soo yeeray Puntland?

0

Bayaan shalay ka soo baxay maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa uu dhaliyay muran badan.

Bayaanka oo ka hadlay qodobbo badan ayaa waxaa faahfaahin looga bixiyay sida ay Puntland uga soo qeyb qaadatay dowlad dhiska Soomaaliya.

Waxaa bayaanka sido kale lagu xusay in arrimaha Puntland ka qeyb qaadatay ay ka mid tahay dib u dhiska ciidamada iyo heshissyadii lagu dhisayay in dalka uu ka baxo kumeelgaarnimada.

“Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskax-ba ku bixisay in dowladdii kumeel gaarka ahayd ay ka howlgasho caasimadda 14 sano ka dib markii ay dowladdii dhexe meesha ka baxday Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland ayaa ku eedeeysay dowladda dhexe in ay “hagardaamo” ku waddo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

“In geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan yahay in meesha laga saaro hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiiyey, gaar ahaan dastuurka kumeel gaarka ah ee federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka.

Balse qodobka muranka dhaliyay ee bayaankaasi ku jiray ayaa midka taabanaya in Puntland ay u dhaqmi doonto “sidii dowlad u madax bannaan arrimaheeda”

“Sida ku cad dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah.”

Maxaa loo fasiran karaa mowqifka Puntland?

Guddoomiyihii hore ee bulshada rayadka ah Puntland Faysal Axmed Warsame Faysal Qaran, oo darsa arrimahan ayaa qaba in go’aanka Puntland uu yahay mid lagu degdegay. Mr Faysal ayaa farta ku fiiqay in ay ahayd in arrintan hoos looga wadahadlo.

“Arrintaa waxaan u arkaa arrin lagu degdegay, runta marka laga hadlayo dowlad dhiska Soomaaliya iyo duruufihii la soo maray shantii sano ee dowladdii Farmaajo iyo xukuumaddii ka horreysay iyo khilaafkii ka taagnaa maamul goboleedyada khaasatan Puntland iyo dowladda dhexe, waxaa ii muuqda in arrintaas hoos looga wadahadlo,” auu yiri Faysal.

Waxaa uu intaa ku daray in uu jiro jahwareer dhanka dastuurka ah taasi oo ku aadsan in dastuurka Puntland iyo midka federaalka ay iska hor imanayaan.

“Mid waa midda guud oo ah dastuurka Puntland iyo dastuurka dowladda federaalka oo iska horimaanaya oo awoodo badan isku haysta oo arrintaa aan horey loo xalllin,” ayuu yiri.

Mr Faysal ayaa dhanka kale farta ku fiiqay in marka khilaaf uu soo kala dhexgalo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ay jirto qaab loo xalliyo.

Waxaa uu inta ku daray in xiiligan ay dowladda dhexe ku jirto dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab islamarkana ay tahay in la siiyo fursad.

“Dowladda dhexe hadda waxay gacanta kula jirtaa mashruuc kii ugu adkaa oo ah la dagaallanka Shababaab in jaanis la siiyo oo maamul goboleedyada aysan dhibaato ku noqon,” ayuu intaas ku daray.

Khilaafka iyo muranka dhexmara dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ah mid mar walba soo noqnoqda.

Xilligii dowladdii Farmaajo ayaa waxaa la xusustaa in dhowr jeer uu khilaaf soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya

Magaalada Muqdisho oo lagu xiray askari Taraafika ah oo dil u geeystay wade mooto bajaaj

War uu soo saaray Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari kamid ah kuwa ilaalada wadooyinka ee Taraafikada loo yaqaan kaa oo dil bareer

Hargeysa oo laga Mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha

Guddida Nabadgelyada Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa go'aanno ay gaadheen ku mamnuucay qaadashada hubka fudud sida midiyaha, baangadaha iyo wixii la mid ah. Go'aankan ayaa yimid kadib markii dhawaan laba
Ad
Previous articleCirro oo markale ka hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood.
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Soo Faragaliyay Arinta Gobalka Gedo oo Wali Xal laga Gaari la,yahay