Home Wararka Maanta Cirro oo markale ka hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood.

Cirro oo markale ka hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood.

0

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Somaliland, Mudane Cabdirxamaan Cirro ayaa markale ka hadlay xiisadda weli ka taagan gudaha magaalada Laascaanood, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Cirro oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay mas’uuliyad ka saaran tahay Laascaanood, si lamid ah magaalooyinka kale.

“Ammaanka shacbiga Sool iyo magaalada Laascaanood wuxuu saaran yahay xukuumadda Somaliland, sida uu u saaran yahay ammaanka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Berbera iyo Boorame,” ayuu yiri musharraxa madaxweyne ee garabka Xisbiga Mucaaradka ee Wadani.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday cidda ka dambeysa hurinta xiisadda ka jirta magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in ay ku dhex jiraan gacmo shisheeye.

“Gacmaha shisheeye waxaan uga digeynaa inay kala baxana faraha arrinta Laascaanood. Shacbiga Sool waxay kamid yihiin shacbiga Somaliland,” ayuu markale yiri Ciroo.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Laascaanood ay ka mid ah tahay dhulka Somaliland, isla-markaana xaalkeeda laga rabo xukuumadda Hargeysa.

“Laascaanood waa Somaliland dhibka ka dhacay wuxuu u yaalla Somaliland dadka aan waxba ku kordhineynin xallintaba dhibaatadaas waxaanu leenahay faraha ka qaada,”.

Laascaanood ayaa weli ku jirto xaalad adag, waxaana isku hor fadhiya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee la wareegay gacan ku heynta magaaladaasi.

Rabshadahaan oo galay todobaadkii saddexaad ayaa ka dhashay dil Isniintii magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Ad
Previous articleMagaalada Muqdisho oo Markii ugu Horaysay ayKa Bilaabanayso Kacdoon ka Dhan ah Alshabaab
Next articleMuxuu ka dhigan yahay hadalka muranka dhaliyay ee ka soo yeeray Puntland?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here