Dowladda Soomaaliya ayaa u jartay “Persona non grata” shaqsi aan laga rabin dalka Col. Cali Maxamed Aadan oo loo yaqaano (Cali Garow iyo Cali Xiirane) kaasoo ahaa Qunsul Kuxigeenka labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku amartay in Col. Cali Garow muddo 72 saac gudahood uu dalka uga baxo, waxaana lagu eedeeyay inuu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed. Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha. Sida lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.