Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qarax ah oo loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Weerarka ayaa yimid, kadib markii ciidamada Booliska SSC-Khaatumo ay hareereeyeen nin la sheegay inuu ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, kaas oo sidoo kale ku hubeysanaa bam-gacmeed, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ciidanka oo isku dayay inay qabtaan eedeysanaha ayaa ka biyo diiday, kadibna qarxiyay bam-gacmeedka oo sababtay inuu isagii iyo askari kale ay ku dhintaan.
Taliyaha Booliska SSC-Khaatumo oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in meesha sidoo kale uu ka dhacay iska hor imaad, ayna dhinteen eedeysanihii iyo askariga, ayna dhaawacmeen 4 askari oo kale.
“Ciidanka Birmadka Booliska SSC-Khaatumo oo ku guda jira howlgal ay ku gudanayeen waajibaadkooda, kuna daba joogay eedeysanayaal ay isku heleen aag magaalada dhexdeeda ah, ayaana is rasaaseyn ay dhex-martay taas oo ay ku dhinteen ninkii eedeysanaha ahaa oo muqaadaraad ku jiray iyo askari ka tirsan ciidamada Booliska AUN” ayuu yiri taliyuhu.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Eedeysanaha dhintay waxaa la yiraahdaa Maxamed Cali Xaashi, ninka booliska ah ee dhintay isna waxaa la yiraahdaa Cabduqaadir Cabdiraxmaan, afar askari oo kale ayaa ku dhaawacantay”.
Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in weli ay wadaan baaris ku aadan falkaasi, ayna dib ka shaacin doonaan natijada rasmiga ah, haddii uu soo dhamaado howlgalkooda.
Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray bulshada Laascaanood oo uu ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah amniga iyo sidoo kale kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha ee kusoo badanaya deegaannada SSC-Khaatumo.