Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay dil iyo dhaawac u geestay muwaadiniin Soomaaliyeed oo dukaan ku lahaa deegaanka lagu magacaabo Soweto oo kuyaala duleedka magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Sida aan wararka ku helnay burcada hubeesan ayaa dukaanka ku weeraray xalay fiidkii xili dhalinyaradan ay xirayeen goobtooda ganacsi, waxa ayna burcada rasaas ku fureen dhalinyarada dukaanka ku sugneed.
Weerarkan waxaa ku dhintay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Jimcaale Cali Dable, halka dhaawac uu kasoo gaaray Axmed C/llaahi Cali oo xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.

Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad


