Dabley ayaa Magaalada Portland ee dalka Mreykanka waxay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed sida ay baahisay warbaahinta magaaladaas
Shaani Maxamed ayaa ka mid ahaa Soomaalida ku xoogsada gaadiidka tagaasida waxaana meydkiisa laga helay Gaarigiisa, iyadoo ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaaseed.
Soomaalida ku nool Magaalada Portland ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Marxuumka oo 39 Sano jir ahaa uu u Shaqeynayay Shirkadda tagaasida ee Uber.
Booliska Magaalada Portland ayaa wada baaritaanka dilka loo geystay Shaani Maxamed oo ifka kaga tegay 8 Carruur ah iyo Hooyadood, welina ma cadda sababta loo dilay inkastoo loo badinayo iney la xiriirto falal burcadnimo.
Jaaliyada Soomaalida ee ku nool Portland ayaa si weyn uga xumaaday dilkan loo geystay Shaani Maxamed, waxayna booliska ka dalbadeen iney soo qabtaan dembiilayaashii ka dambeeyey.