Home Wararka Somaliya Somaliland Muusa Biixi oo Halmalyan oo Doolar ugu Deeqay Ganacsatadii Xalay Ku Hanti...

Muusa Biixi oo Halmalyan oo Doolar ugu Deeqay Ganacsatadii Xalay Ku Hanti Beelay Hargaysa

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay yabooh lacageed oo hal milyan oo doolar ah, taasoo uu ugu tala galay dadkii ku hantida beelay suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa ee Waaheen oo xalay dab uu baabi’yay.

Madaxweyne Biixi oo ay garab taagnaayeen qaar kamid ah ciidanka dab damiska Somaliland ayaa dhinaca kale ku baaqay in gurmad deg deg ah oo dhinacyo kala duwan leh lala gaaro ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi oo socday wax ka badan 12 saacadood.

 

Lama ogo sababta ka dambeysay dabkan, inkasta oo ay wararka sheegayaan in markii hore dabka uu ka bilowday guri ku yaalla suuqa kaas oo markii dambe ku fiday gebi ahaanba suuqa Waaheen.

Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dabka saacadaha badan socday ee xalay baabi’iyay suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen, kaasoo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5KM

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in sababta si deg deg ah loogu xakameyn waayay dabka ay aheyd in la waayay waddo loo maro goobta taasina ay horseeday in holaca uu qabsado suuqa isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday.

 

Ad
Previous articleP.m Rooble oo Hambalyo U Diray Xildhibaanada Maantay Shahaadada Qaatay
Next articleDowlada UK oo ka Hadashay Dabkii Xalay ka kacay Hargaysa