Home Wararka Somaliya Jubbaland Musuuliyiin Sar sare oo Booqday Deegaankaan oo laba Maalin ka Hor Alshabaab...

Musuuliyiin Sar sare oo Booqday Deegaankaan oo laba Maalin ka Hor Alshabaab Laga Saaray(Sawiro)

0

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta booqday deegaanadii u danbeeyay ee degmada Badhaadhe ee laga xoreeyay Al Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay wafdigiisa kamid ahayeen masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee maamulka ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka BuuloXaaji kula hadlay dadweynaha deegaanka.

Waxaa Madaxweyne ku xageenku uu uga mahad celiyay dadka deegaanka sida ay usoo dhaweeyeen ciidamada geesiyada ah, isla markana ay diyaarka ugu yihiin inay ku noolaadan nolol bilaa cabsi ah kadib markii deegaankan laga saaray Khawaariijta mudada dheer guumaysiga ku haysay dadka deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ballanqaaday in hay’adaha kala duwan ee maamulka ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan sidii loo hirgalin lahaa goobo loogu adeego dadka deegaanka gaar ahaan Caafimaadka, Waxbarashada iyo biyaha.

Ad
Previous articleXisbullah oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israa’iil
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaankaan oo Laaba Maalin kahor Laga saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here