Waxa si habsami ah maanta u bilowday is diiwaan galinta musharraxiinta Madaxweynaha JFS . Xubnaha Guddiga u qaabilsan diiwaan galinta ayaa qaabilaya Musharraxiinta isla markaana diiwaan galinaya iyada oo uu Guddoomiyaha Guddiga C/qani Geelle Maxamed uu guddoonsiinayo shahaadada Musharraxnimo ee caddeyneysa inuu buuxiyay shuruudihii loo baahnaa .
Ilaa hadda waxa Shahaadada qaatay Musharraxiin ay ka mid yihiin Musharrax Shariif Shiikh Axmed iyo Musharrax Daahir Maxamuud Geelle .
Waxa kale oo lasoo warinaaya in Musharraxiin kale oo u diyaar garoobaya in ay shahaadada qaataan oo howshoodu socoto.
Ad