Home Wararka Somaliya Puntland Musharax Shalay Lagu Weeraray Garowe oo Mantay Xildhibaan Loo Doortay

Musharax Shalay Lagu Weeraray Garowe oo Mantay Xildhibaan Loo Doortay

0

Magaalada Garawe ee caasimadda Puntland waxaa maanta ka socota doorashada Xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana halkaasi lagu dooranayaa ilaa lix Xildhibaan.

Doorasho goordhaw ka dhacday magaalada Garawe waxaa ku guuleestay musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere) oo helay 91-cod halka musharaxii la tartameysay Ruwayda Maxamud Maxamed heshay hal cod kaliya.

Ninkan goordhaw loo doortay Xildhibaanka ayaa shalay lagu weeraray magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, waxaana weeraray maleeshiyaad kasoo horjeeday kursiga musharaxan sida gaarka ah loogu xiray.

Doorashada ka socota magaalada Garawe iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa u muuqda kuwa xulasho ah aan doorasho aheyn oo kusoo baxayaan xubno si gaar ah loo wato oo kuraasta loo xirayo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Shalay Safar DegDeg ah ku yimid Muqdisho iyo Fahfahin laga helay
Next articleWaa Sidee Xaalada Deegaanka Haraale kadib Laba Maalin oo Dagaal Kasocday?