Home Wararka Maanta Muqtaar Roobow oo Sheegay in Noloshiisa halis galiyeen Ciidamo laga keenay Galmudug

Muqtaar Roobow oo Sheegay in Noloshiisa halis galiyeen Ciidamo laga keenay Galmudug

0

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo markii ugu horeesay wareysi bixiyay tan iyo markii dhamaadka sanadkii 2018-kii laga soo xiray magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay marxalado badan oo noloshiisa lasoo daristay iyo xaalka uu hada ku sugan yahay.

Wareysi uu Abuu Mansuur siiyay idaacada VOA ayuu ku sheegay in uu u afduuban yahay shaqsiyaad gaar ah oo katirsan dowlada federaalka, waxa uuna cadeeyay in sifo sharci daro ah lagu soo xirtay uuna ku xiran yahay guri kuyaala Muqdisho.

Abuu Mansuur ayaa sheegay intii xabsiga ay maamusho Hay’adda NISA uu ku xiran yahay kala kulmay dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah sida caafimaadka, amaanka uuna wajahayo duruufo adag oo dhinaca nolosha xiligan.

Waxa uu sheegay Abuu Mansuur in ciidamo laga keenay magaalooyin katirsan Galmudug halis galiyeen noloshiisa ayna ku dhax dagaalameen qol uu ku xirnaa, waxa uuna xusay in dagaalkaasi hal askari oo dhaxdooda ah ku dhintay.

“Xaalado adag ayey soo martay nolosheeda, mar waxaa dhacday in Ciidan laga keenay Galmudug ay ku dagaalameen qolkeyga waxaa ku geeriyooday hal askari, muddo kaddib waa la iga bedelay, Ammaanka & Noloshada maku dhihi karo way sugan yihiin” ayuu yiri Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur ayaana sheegay in uusan aheyn Al Shabaab uuna mar hore isaga baxay , waxa uuna xusay in loo beegsaday loona soo afduubtay hamigiisa siyaasadeed uu xusay in uusan waxba iska bedelin uuna ku raadinayo wado nabadeed hadii uu xuriyadiisa helo.

Hogaamiyahan kasoo goostay Al Shabaab ayaa bishii December ee sanadkii 2018-kii laga soo xiray magaalada Baydhabo isaga oo ah musharax u taagan Madaxweynaha Koonfur Galbneed, tan iyo xiligaasna waxa uu ku xiran yahay xabsi kuyaala Muqdisho.

Dadaalo ay wadeen siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed laguna doonayay in xabsiga looga sii daayo Sheekh Roobow ayaa marar badan fashilmay, waxa uuna hada Xiran yahay wadaadkan iyada oon maxkamad xukumin wax dambi ahna ana lagu soo oogin.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleFaah Faahinta Dagaal ka socda Degmada Gurceel iyo Wararkii ugu dambeeyay
Next articleQaramada Midoobey oo shaacisay in dad ka badan 100,000 oo qof ay ku Barakaceen colaada Gurceel