Home Wararka Maanta Mukhtaar Rooboow oo Fariin adag u Diray Alshabaab kadib Weerarkii Hotel Xayaat

Mukhtaar Rooboow oo Fariin adag u Diray Alshabaab kadib Weerarkii Hotel Xayaat

0

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo la hadlayey warbaahinta isaga oo ay garab fadhiyaan qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii xooganaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat.

Mukhtaar Roobow ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay weerarada ay Al-Shabaab ka geysanayaan guud ahaan dalka, isagoo tilmaamay in aysan aheyn wax Diin ah.

Wasiirka ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qof walba laga doonayo inuu difaacdo naftiisa iyo malkiisa.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay in la soo qalday, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaabka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilmahooda Iskuulo iyo Jaamacado ayey Xamar ka dhigtaan ama aduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yeysan been idin sheegin,”ayuu yiri Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in shacabka Soomaaliyeed oo kaashanayaa dowladdooda looga baahan yahay inay wajahaan Al-Shabaab, si looga hortego weerarada ay geystaan

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Roobow oo haatan ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, ayada oo weerarkii ugu waqtiga dheeraa abid ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday dhismaha hoteelka Xayaat, kaas oo socday wax ka badan 24 saac oo xiriir ah.

Sikastaba, Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa horey uga mid ahaa hoggaanka sare ee Al-Shabaab, balse wuxuu 2017 isku soo dhiibay dowladda Somalia, isaga oo kadib ku biiray siyaasadda, walow Muqdisho uu ku xirnaa ku dhowaad 3 sanno.

Ad
Previous articleShaqaalaha Gobalka Banaadir oo Dhowr Bilood aan Mushaar Lasiin(Xog)
Next articleMadaxweyne Guudlaawe oo Dhagax dhigay Garoon diyaaradeed oo laga dhisayo Matabaan (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here