Home Wararka Maanta Mudaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo Falastiin oo ka socda London

Mudaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo Falastiin oo ka socda London

0

Mudaharaadkan oo ah mid aad u balaadhan ayaa waxa uu marayaa agagaarka Waterloo ee badhtamaha London,iyada oo ay joogaan boolis aad u hooseeya.

Bilayska caasimadda ayaa sheegay in ay kasii hortagayaan calaamadaha iyo heesaha kuwaas oo jebin kara sharciyada argagixisada iyagoo taageeraya Xamaas.

Qaar ka mid ah dadkii isku soo baxay ayaa ku dhawaaqaya “wabiga ilaa badda”, iyaga oo ku dhawaaqaya dalabka ah in ay Falastiin ay dib ula wareegaan dhulka u dhexeeya webiga Jordan iyo badda Mediterranean. Xoghayaha Arimaha Gudaha Suella Braverman ayaa hore ugu boorisay taliyayaasha bilayska inay tixgeliyaan tarjumaadda “muujinta rabitaan xoog leh oo ah in la arko Israa’iil oo laga tirtiray adduunka.”

Waxay dadku ridayaan rash halka qaar kale ay shidayaan qiiqa rinjiga ee midabka cagaarka iyo casaanka oo uu calanka Falastiin ka kooban yahay.

Ad
Previous articleKumuu ahaa macalinkii iyo abwaankii Hargeysa caanka ka ahaa ee maanta geeriyooday aaska Qarana loo Sameeyey?
Next articleRaysal wasaarihii hore ee Ingiriiska oo wariyenimo loo shaqaalaysiiyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here