Home Wararka Somaliya Puntland Mucaaradka Puntland oo soo saaray bayaan xasaasi ah

Mucaaradka Puntland oo soo saaray bayaan xasaasi ah

0

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka jira deegaannada Puntland ayaa maanta bayaan rasmi ah ka soo saaray wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland.

Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay islamarkaana go’aan sharciga baal-marsan ku tilmaamay wax ka beddelkii xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku sameeyeen qodobka kamid ah dastuurka.

Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale sheegay in ay horay dacwad rasmi ah uga gudbiyeen hannaanka loo maray wax ka beddelka dastuurka Puntland.

Baarlamanka iyo madaxtooyada Puntland ayay sidoo kale ku eedeeyeen in ay isku milmeen kuna dhaqaaqeen tallaabo ka baxsan dastuurka iyo shuruucdii lagu doortay.

“Waxaan ku baaqaynaa shir lagu samata bixinayo dowladnimadda Puntland inay isugu yimaadaan dhamaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka Madasha.

Ad
Previous articleSingapore oo ku fulisay xukun Daldalaad ah haweeney 19 sano ahayd
Next articleEhelada askari Lagu Eedeeyey Shirqoolka Dilkii Taliyii Danab oonWar soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here