Home Wararka Maanta Mucaaradka Oo Maantay kulankii Baarlamaanka Uga Adkaaday Kuwa Muxaafidka

Mucaaradka Oo Maantay kulankii Baarlamaanka Uga Adkaaday Kuwa Muxaafidka

0

Saakay xarunta baarlamaanka si xarago leh ayaa loogu kala adkaaday. Waxaa si aan loogu talogelin u soo baxday in dowladda hadda jirta iyo baarlamaanka ay ismacsalaameeyeen wixii ka danbeeyay markii sida dadban loo kala diray golaha shacabka sidii ku caddeyd qodobada heshiiskii madasha qaran.

Waxaa iyana banaanka timid awoodda madaxda mucaaradku ku dhex leeyihiin golaha shacabka gaar ahaan Madaxwayne Shariif iyo Ra’isal Wasaare Khayrre.

Tan ugu culus waa in saakay si cad loo hubsaday in xukuumadda Xamza Barre ay dhaceyso goor aan fogeeyn.

TALO KU SOCOTA GOLAHA SHACABKA:

Golaha shacabka haddii ay dhacdo in ay aqbalayaan warqadda lagu madadaalinayo ee la yiri maalinba wasiir dhageysta (hadde waa wasiiro aan Agaasime-waaxeedyadooda badalin karin sidii Wasaaradda Maaliyadda ka dhacday) waa ineey iyaguna shardiga ka dhigeen in haddii ay dhageysanayaan balse markii dhageysigu dhamaado ay codka kalsoonida u qaadayaan in howlaha xukuumaddu heyso lagu qancay iyo in codka kalsoonida loo qaadayo, xukuumadda la rido Madaxweynuhu soo magacaabo Ra’isalwasaare cusub.

Waxa Qoray Cali Yare cali

Ad
Previous articleSidee ayuu ninkan diyaarad la’aan ugu safray dal walba oo dunida ku yaalla?
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Maxamed Cabdi Faarax (Abwaanka) oo lahu Dhex dilay Tareen Xili uu gurigiisa kusii jeeday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here