Mucaaradka Kenya ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada la qorsheeyay in ay dhacaan Isniinta inkastoo booliska ay ka digayaan in ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah waxa ay u arkaan dibadbaxyada sharci darrada ah.
Mudaaharaadyada ayaa billowday todobaadkii hore, waxaana ay rabshado ka dhaceen dhowr goobood oo mucaaradku uu ku xoogganaa.
Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa sheegay in dibadbaxyada la qaban doono maalmaha Isniinta iyo Khamiista kuwaas oo uu sheegay in looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid qiimaha maciishada iyo go’aanadii ka soo baxay doorashadii dalka ka dhacday sanadkii la soo dhaafay.
Balse madaxa booliiska, Japhet Koome, ayaa Axaddii sheegay in uusan “oggolaan doonin wax mudaaharaad ah oo ka dhaca dalka” wuxuuna ka digay inay taasi horseedi karto in dad badan xabsiyada loo taxaabo
Mr Odinga ayaa Axadii ku adkaystay in mudaaharaadyada ay yihiin kuwa sharciga ilaalinaya.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay