Home Wararka Maanta Mucaarad uu Hogaaminaayo Farmaajo oo Maantay ku Wajahan Garowe

Mucaarad uu Hogaaminaayo Farmaajo oo Maantay ku Wajahan Garowe

0

Maantay   oo Khamiis ah waxaa Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ku wajahan wafdi wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Shariif shiikh Axmed oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhaweynta wafdigan, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in safarka uu keli ku yahay Farmaajo oo uusan la socon Shariif.

Ujeedada safarka Farmaajo ayaa waxay tahay sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxda kale ee Puntland.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaashii hore Farmaajo iyos Shariif iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ay sameysan doonaan isbaheysi mucaraad ah oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maadaama labadaba ay kasoo horjeedaan habka hadda uu wax ku maamulo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse hadda waxay u muuqato kuwo ka mideysan mucaaradnimada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara shirarka ay Garoowe ku yeelan doonaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif shiikh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Wax ka Badalka Dastuurka oo Meel Xasaasi ah Maraaya
Next articleShacab Badan oo ku Sugnaa Galmudug oo u Guuray dhul Alshabaab Maamulaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here