Dowladda Mareykanka ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay dhaawacyada ku dhawaad 30 qof oo masuuliyiin ay ku jiraan iyo dhimashada saddex askari.
Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Mareykanka iyo Soomaaliya waxay wadaagaan danaha ku aadan kor u qaadida nabadda iyo barwaaqada, waxaana naga go’an in aan Somalia ka taageerno dadaalada looga adkaanayo kooxda Khawaarijta.”
Maanta duhurkii ayaa lasoo afjaray weerar qaatay in ka badan 10 saacadood oo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha hotelka, waxaana warbaahinta la tusay meydadka afar nin oo weerarkaas fuliyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta tegay Hotelka markii lasoo gabagabeeyey weerarka, wuxuuna indhihiisa ku soo arkay wixii ka dhacay halkaas, isagoo u sii gudbay isbitaalka Digfeer oo dhaawacyadii ugu badnaa uu ku booqday.
Askar iyo saraakiil joogtay baraha koontorool ee ragga weerarka fuliyey ay soo mareen ayaa xabsiga loo taxaabay, sidoo kale waxaa la helay muuqaalada markii ay gudbayeen raggaas Shabaab-ka ah oo muujinaya qaabkii loo sii daayey.