Home Wararka Maanta Burcadbaceed Soomaali ah oo Dalbaday cadadka Lacagta ay kusii Daynayaan Markab u...

Burcadbaceed Soomaali ah oo Dalbaday cadadka Lacagta ay kusii Daynayaan Markab u Gacan Galay Laba Maalin Kahor

0

Markabka MV Abdullah, oo ay labo maalin ka hor afduubeen koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa soo gaaray xeebaha gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal. 

Burcadda ayaa la sheegay in ay ka dalbadeen qolyaha markabka iska leh ee KSRM lacag madax furasho ah oo 5 milyan oo dollar ah, oo ay ku soo deynayaan markabka iyo 23 shaqaale ah oo saaran.

Kooxdan ayaa waxay ku hanjabeen in ay dili doonaan qof kasta oo markabka saaran, haddii aan la fulin dalabkooda, inkasta oo aysan waqti u qaban in lagu fuliyo dalabkooda culus.

Markabka wuxuu sidaa 50,000 oo tan oo dhuxul ah, oo uu ka soo qaaday magaalada Maputo ee dalka, Mozambique, wuxuuna ku socday Al Hamriyah ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ilaa 25 nin oo hubaysan ayaa horey markabkan oo laga leeyahay Bangaladesh uga soo afduubay biyaha caalamiga ah ee badweynta Hindiya, balse hadda waxaa lagu warramaya in ka badan 10 nin oo horleh oo hubaysan in ay ka fuuleen xeebaha gobolka Mudug.

Xukuumadda Puntland ayaa dhankeeda ciidan gaysay Garacad iyo degaannada kale ee ku teedsan badda Hindiya, si ay isugu dayaan in ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ka socda degaannada iyo markabka in uu ku soo xirto xeebaha Puntland.

Weerarada burcad badeedda Soomaalida oo sanado badan laga nastay ayaa dhowaanahan dib usoo laba kacleeyey, xilli ay sidoo kale badaha ku teedsan Soomaaliya qaarkood ay xiisad ka jirto, gaar ahaan Badda Cas.

Ad
Previous articleMraykanka oo Si Adag Uga Hadlay Weerarkii lagu Qaaday Hotel SYL
Next articleMaxaa xalay ku dhacay Burcad baddeed markab ugu afduubnaa xeebaha Soomaaliya akdib Weerar Culus oo lagu Qaaday?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here