Home Wararka Maanta Mohamed Saalim Mohammed oo Ka Tirsanaa Daacishta Soomaaliya oo Gaajo u Geeriyooday

Mohamed Saalim Mohammed oo Ka Tirsanaa Daacishta Soomaaliya oo Gaajo u Geeriyooday

0

Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inuu gaajo iyo haraad darteed ugu geeriyooday dhulka miyiga ah, gaar ahaan nawaaxiga degmada Dhudhub ee Karkaar.

Puntland ayaa sheegtay in ninkan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Yemen, laguna magacaabo Maxamed Saalim Maxamed uu u dhintay kadib kuleyl iyo gaajo soo wajahday.

Qoraal kasoo baxay waaxda dambi baarista u qaabilsan Booliska Puntland ee (C.I.D) ayaa waxaa lagu xaqiijiyay geerida sarkaalkaas, waxaana la socday nin kale oo Soomaali ah.

Maydka ninkan ayaa laga soo helay goobta, balse ma cadda illaa iyo hadda ujeedkiisa iyo halka uu ku socday intaba.

“Ciidanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland ayaa sheegay in meydka Mohamed Saalim Mohammed la helay 02 September 2023, waxa uuna u geeriyooday gaajo iyo haraad, lama oga inuu doonayay inuu ka baxsado Kooxda Daacish iyo inuu u socday hawl-gal kooxdiisa u dirtay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidabka Booliska Puntland.

Sidoo kale laamaha amniga ayaa haatan baadi goobaya ninkii la socday sarkaalka geeriyooday, kaas oo meesha isaga dhaqaaqay, kadib geerida saaxibkiis.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday, ayada oo shalay Puntland ay xukuntay saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ka howlgalayay magaalada Boosaaso.

Saddexda xubnood ayaa kala ah:- 1. Salman Faarax Mohamed 15 sano oo xarig ah, 2. Abdullahi Shire Mohamud oo ahaa Nabadoon Daacishta damiinta waxaa lagu xukumay  5 sano, 3. Mohamed Ahmed Mohamud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo Xarig ah.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraha Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidanka amniga.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleFaysal Cali Waraabe oo sheegay in ay soo qaban doonaan Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Isimadda gobalada SSC-Khaatumo
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dalka Jabuuti kulan kula leh Lloyd Austin.