Home Wararka Somaliya Miyuu Madaxweyne Qoor Qoor ka Qeyb galayaa Shirka uu ku Baaqay Rooble

Miyuu Madaxweyne Qoor Qoor ka Qeyb galayaa Shirka uu ku Baaqay Rooble

0

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor oo galabta soo gaaray Muqdisho uu ka qeyb gelayo shirka golaha wadatashiga qaranka ee uu ku baaqay  Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo galabta ka mid ahaa xubnno Qoorqoor kaga hortagay garoonka Muqdisho ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook wuxuu ku sheegay in madaxweynaha Galmudug  uu xamar u yimid ka qeyb galka shirka Rooble.

“Waxaan Aniga iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan kusoo dhawaynay Magaalada Muqdiaho Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kariye (Qoor Qoor) oo u yimid caasimada kaqayb galka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Rooble” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiirja

Marka laga yimaado hadalka wasiirka, Si cad uma sheegin Qoorqoor inuu ka qeyb galayo shirka uu iclaamiyey Rooble, iyadoo hogaamiyahan lagu tiriyo inuu ka mid yahay xubnaha ku dhow dhow Madaxweyne Farmaajo oo isaguna iclaamiyey shir la mid ah midka Rooble.

Ad
Previous articleFiqi oo ka hadlay Sababta Qoor Qoor uu u yimid Magaalada Muqdisho
Next articleWararkii ugu Danbeeyay ee laga helayo Qorshaha loogu kala Dab-qaadayo Farmaajo iyo Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here