Home Wararka Maanta Militariga: Markii uu Turkiga shaaciyay arrin aan horey looga war hayn oo...

Militariga: Markii uu Turkiga shaaciyay arrin aan horey looga war hayn oo ku saabsan ciidamada Soomaaliya

0

Bartamihii bishii January ee sanadskan 2022-ka, wasaaradda arrimaha difaaca Turkiga ayaa markii ugu horeysey shaacisay arrin aanan horey waxbadan looga ogeyn oo ku saabsan kaalinta dowladda Qatar ay ku leedahay arrimaha tabobarka ciidamada Soomaaliya.

Degelka Twitter-ka ee wasaaradda ayaa lasoo dhigay sawirro iyo qoraalo muujinaya saraakiil sarsare oo ka socota militariga dalka Qadar oo tabobar u fidinaya 350 ciidamada kumaandoosta Soomaaliya oo lagu laylinayo xero weyn oo ku taala Turkiga.

Sawirrada ayaa lagu dul qoray jumladahan oo luuqadda Turkiga aan kasoo turjunnay: “Xarunta Tababarka dhanka la dagaallanka argagixisada iyo carbiska (Isparta). Isbuucii saddexaad ee tababarka loo sameynayo 350 askari oo Soomaali ah oo Turkiga jooga, waxaana qayb ka ah tababarka ciidankan xubno ka tirsan ciidanka militariga ee waddanka Qadar.”

Tabobarkan saraakiisha Qadar ayaa ku saabsanaa arrimaha argagixiso la dirirka , wuxuuna ka dhacay xero ku taala magaalada Sparta ee dalka Turkiga.

Tabobarka ciidamada Soomaaliya ayaa aad loogu yaqiinay in ay fidiso dowladda Turkiga, balse kaalinta Qadar ee ciidamada waxa ay ahayd mid aanan horey looga warqabin, keliya waxa ay dowladda Qadar ku koobnayn arrimaha kale ee siyaasadda iyo dublamaasiyadda la xiriira.

Turkiga iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi militari , iyada oo dowlad kastaba ay saldhig ciidan ku leedahay dalka kale si isweeydaar ah, inkasta oo la sheegay in saldhigga Turkiga uu ku leeyahay Qadar uu weynyahay.

Turkiga waxa uu saldhigga ugu weyn ee tabobarka ciidamada ku leeyahay Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo TurkSom, hase yeeshee ciidamada gaar ah ayaa intooda badan lagu tabobaraa gudaha Turkiga.

Lama oga in saraakiisha Qadar ay tabobar iyo talobixin ciidanba ka fuliyaan gudaha Soomaaliya xilli kooxaha mucaaradka ee Soomaaliya ay aad farta ugu godayaan dowladda Qadar, kuna eedeeyaan in ay garab siiso dowladda hadda jirta ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Hulusi Askar ayaa bishii Novembar magaalada Ankara kula kulmay taliyaha guud ee ciidamada Soomaaliya Jeneraal Odowaa.

Markii ugu dambeysay oo arrin ku saabsan ciidamada oo xiriir la leh Qadar ay soo shaacbaxdo waxa ay ahayd sanado ka hor kadib markii dowladda Soomaaliya ay fududeysay in dhallinyaro Soomaali ah in askar ahaan loogu qaado Qadar si ay uga qeybgalaan illaalinta koobka adduunka oo ka qabsoomaya Qadar sanadkan.

Mucaaradka Soomaaliya iyo waalidiin ubad ka maqanyihiin oo dhawr jeer warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidan markii hore loo qorey in Qadar loo qaadayo markii dambe la geeyay dalka Eritrea si loogu tabobaro.

Dowladda Soomaaliya iyo tan Qadar ayaanan weli eedahaasi ka jawaabin, lamana oga hadda illaa xadka Qadar ay ku lug leedahay arrimaha tabobarka ciidamada Soomaaliya oo marar badan ay soo baxeen eedo la xiriira in sababo siyaasadeed loo adeegsado.

Balse sida uu qorey wargeyska Doha News bishii Janaayo 2021-dii, dowladda Qadar ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in ay baaritaan ku samayso dhallinyarada la la’yahay ee la sheegay in ay ku maqanyihiin dalka Eritrea.

“Dowladda Qadar waxa ay cambaareynaysaa xadgudub kasta oo loo geysto qof si marin habaabin ah loogu sheegay in Qadar loo geynayo fursado shaqo. Dowladda arrinkaasi waa ay kasoo horjeeddaa, waxayna dhammaan dowladaha kale ka codsanaysaa in ay baaraan ficiladaasi” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta Qadar sida uu kasoo xigtay wargeyska Doha News oo Qadar laga leeyahay.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2019-kii ayay dowladda Qadar gaadiidka gaashaaman ugu deeqdey ciidamada Soomaaliya sida ay xilligaasi faafisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Ma jirto xog shaac ah ama meel furan oo laga tixraaci karo hawlaha tabobarka, qalabaynta iyo caawinta Turkiga ee ciidamada Soomaaliya marka laga reebo war saxaafadeedyada iyo mararka kooban ee warbaahinta loogu yeero ciidamo soo qalin jabiyay oo lasoo dhoweeynayo iyo kuwa dhoofaya.

Ad
Previous articleDowladda oo laba diyaarad oo ciidamo ah kaa dajisay Beledweyne Iyo Sababta oo La Shaaciyay
Next articleHoggaamiyaha is qariya ee Taalibaan oo farriin lama filaan ah usoo diray Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here