Home Wararka Maanta Milatariga Itoobiya oo abaal marin siiyey sameeyaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee...

Milatariga Itoobiya oo abaal marin siiyey sameeyaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga Baraktar

0

Milateriga Itoobiya ayaa abaal-marin guddoonsiiyay madaxa shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee Baykar, taasoo lagu tilmaamay inay tahay “Bilad-sharaf”, wuxuu ku mutaystay kaalmadii uu ka geystay tayeynta ciidammada cirka ee dalkaas muddadii labada sano ahayd ee dagaalka sokeeye ee Tigray.

Taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa abaal-marintan guddoonsiiyay Haluk Bayraktar, xilli uu socday bandhig faneedka ciidamada cirka oo sannad walba lagu qabto magaalada Bishoftu oo ku dhow caasimadda Addis Ababa.

Mr Bayraktar waxa uu sheegay in ay “sharaf u tahay in la guddoonsiiyo biladda sharafta” oo ay naadir tahay in la siiyo dadka ajnabiga ah.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee aan duuliyaha lahayn ayaa la rumeysan yahay in ay gacan ka geysteen sidii dagaalka sokeeye ay dhanka kale ugu rogi lahaayen, iyadoo dowladda federaalkana ay raalli ka tahay. Colaadda ayaa soo afjarantay bishii November ee sannadkii hore kaddib markii heshiis nabadeed lagu saxiixay Koonfur Afrika.

Ma cadda faahfaahinta dhabta ah ee ku saabsan abaal-marintan balse waxa ay u muuqataa inay ka duwan tahay bilad sharafta qaranka oo sida caadiga ah uu bixiyo madaxweynaha dalka.

Dawladaha Afrikaanka ah ayaa si isa soo taraya u helaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga si ay ula dagaalamaan kooxaha hubaysan.

Ad
Previous articleWasiirka amniga Galmudug oo Booqday Goobihii Alshabaab Laga Saaray iyo Beesha Sacad oo Xoolo Deeq ah Gaarsìisay…..(Sawiro)
Next articleDeni, Axmed Karaash iyo  Cabdirashiid Yuusuf oo ka Heshiiyay khilaafkii Doorashooyinka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here