Home Wararka Maanta Midowga Yurub Oo Mar Kale Cadeeyay Diidmadiisa Heshiiskii Adis-Ababa

Midowga Yurub Oo Mar Kale Cadeeyay Diidmadiisa Heshiiskii Adis-Ababa

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell ayaa uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Midowga Yurub ayaa Arbacadii qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay talaabada ay qaaday Itoobiya, isagoo si cad u muujiyay in marnaba aan la aqoonsan karin Somaliland.

Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland ayaa 1-dii bishan Adis-Ababa Abiye Axmed kula saxiixday heshiis uu ku siinayo 20 KM oo bada cas kamid ah oo deked iyo saldhig ciidan ay ka dhiganayaan, taasoo Itoobiya waligeed ay naawileysay.

Ad
Previous articleTurkiga oo Go,aan adag ka Qaatay xad gudubka Itoobiya kula kacday Somalia
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Itoobiya oo wajaheysa culeys aysan filayn kadib tallaabo culus oo uu caalamka qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here