Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo Malaayiin Dollar ugu deeday degaanadii dhowaan laga saaray...

Midowga Yurub oo Malaayiin Dollar ugu deeday degaanadii dhowaan laga saaray kooxda Al-shabaab

0

Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo EURO kaasoo loogu talagalay degaannada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulinayo laga saaray Al-Shabaab ayaa loogu talo galay in laga sameeyo dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya.

Waxaa sidoo kale, mashruuca qeyb ka ah qabashada kulamo dib u heshiisiin ah, oo loo sameeyo dadka ku nool degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Magaalooyin ay kamid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-Ceele iyo Aadan Yabaal ayaa noqon doona meelaha ugu horeeya ee mashruucan ka faa’iideysan doona.

Ad